Mid ka mid ah wakiilada haweenka oo baarlamaanka geysya hindise ku aadan in jagadaasi meesha laga saaro

Wakiilka haweenka ee dowlad goboleedka Uasin Gishu Gladys Boss Shollei ayaa baarlamaanka horgeysay hindisa sharciyeed ay ku doonayso in isbedel lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan si meesha looga saaro xilka wakiilka haweenka ee maamul goboleedyada.
Dhanka kale waxay soo jeedisay in la kordhiyo tirada haweenka ee ka tirsan golaha sharci dejinta iyagoo la soo dooranayo balse aysan soo xulanaynin xisbiyada siyaasadeed ee ay ka tirsanyihiin.
Mooshinkan ayaa ah mid lagu soo jeedinayo in la isku daro qaar ka mid ah degaan baarlamaneedyada dalka si looga dhigo mid u gaar ah haweenka.
Sido kale Gladys Boss Shollei ayaa ku doodaysa in xildhibaananimada degaanada hadda jira ay u wada tartami karaan rag iyo haween labaduba.
Ms Shollei ayaa intaasi raacisay in hindisa sharciyeedka ay soo saartay uu yahay mid xal loogu raadinayo haleelidda sinnaan jinsiyadeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *