Qaar ka mid ah xildhibaanada galbeedka dalka oo doonayo inuu xafiiska banneeyo wasiirka maaliyadda

Xildhibaanka laga soo doortay degaanka Lugari Ayub Savula iyo dhigiisa Matungu ee ismaamulka Kakamega Justus Murunga ayaa dalbaday inuu xafiiska banneeyo wasiirka wasaaradda maaliyadda Henry Rotich.
Sido kale waxay soo jeediyeen in wasiirkii hore ee beeraha Willy Bett lagula xisaabtamo sonkor sharci darro ah oo wadanka la soo geliyay xiligaasi.
Labadan mas’uul ayaa ku doodaya in tallabooyin ay qaadeen Mr. Rotich iyo Mr. Bett ay horsedeen inaan la bixin 10.6 bilyan oo shilin oo canshuur ah.
Xildhibaanada ayaa Mr Rotich iyo Mr Bett ku eedeyay inay maamulka canshuuraha ee KRA ku cadaadiyeen inay ansaxiyaan konteynarro ay dalka soo geliyeen 14 shirkadood.
Siyaasiyiintan ayaa warbaahinta la hadlay iyagoo soo xiganaya laba warqadood oo ay Rotich iyo Bett kala qoreen 12-kii iyo 21-kii bishii sagalaad ee sanadkii hore.
Mudanaha laga soo doortay degaanka Lugari, Ayub Savula ayaa intaasi ku daray in go’aanka labadaasi mas’uul ay keentay in suuqyada dalka lagu iibiyo ugu yaraan 71 milyan oo kiilogaraam oo sonkor ah.
Mr. Savula ayaa sheegay in madaxweynaha hadii ay ka go’antahay la dagaalanka musuqmaasuqa laga doonayo inuu xilka ka qaadis ku sameeyo Henry Rotich oo ah wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo Willy Bett oo hadda ah safiirka Kenya ee dalka indiya

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *