SHARE

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa booqasho ku tagay gobolka galbeed oo maalmo ka hor ay ka da’een roobab xooggan.
Roobabkaasi ayaa waxaa ka dhashay daadad iyo dhul go’o ilaa iyo hadda ay ku dhinteen ugu yaraan 176 qof.
Muusibadaasi ayaa lagu sheegay inay tahay midii ugu weynayd ee taarikhda Japan soo marto muddo 36 sano ah.
Dowlada dalkaasi ayaa sheegtay in sido kale la la’yahay dad dhowr .
Ra’iisul wasaare Shinzo Abe, ayaa dhibaatada dhacday awgeed u istaajiyay safaro uu ku tagi lahaa dibadda Japan.
Hasa ahaate waxaa uu dhaliil kala kulmay sawir la soo dhigay barta twitarka oo muujinaya isaga iyo wasiirka gaashaan dhigga ee dalkaasi oo xildhibaano kala qeyb galaya xaflad halka dhanka kale ay roobabka iyo saameynta ka dhalatay sara u sii kaceen.
Dhanka kale waaxda saadaasha hawada ee wadanka Japan ayaa sheegtay in la filayo in maalmaha soo socdo ay sii da’aan roobab lixaad leh.