Shil ka dhacay Iiraan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof

Shil u dhexeyay mid ka mid ah baabuurta shidaalka iyo bas oo ka dhacay dalka iiraan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof.
Galinkii hore ee saaka ayaa gobolka galbeed ee wadankaasi laga soo tabiyay shilka dhacay.
Wakaalada wararka ee Iiraan ee Mehr aya ku warameysa in gaariga shidaalka uu ku dhacay baska xili uu marayay magaalada Sanandaj, ee gobolka Kurdistan oo qiyaastii 400 oo kiilomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada Tehran.
Booliska gobolka Kurdistan ayaa ku baaqay seddex maalmood oo baroor diiq ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *