Taliska Booliska ku sugan deegaaanda Hirshabeele oo howlgalo amaanka wax looga qabanayo ka sameeyay deegaano dhowr ah.

Taliska ciidamada Booliska ee ka howlgala deegaanada Maamulka Hirshabeele ayaa faahfahiyay howlgalo qorshaysnaa oo ay ka sameeyeen deegaanada Mushkilada amaanka la xiriirta ay ka taagan tahay gara ahaan wada u dhexaxy degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee isla gobolka shabeelada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Taliska ciidamada Booliska maamulka Hirshabeele Xassan Dhicisow Xasan ayaa sheegay in howlgalo gaara oo ay ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoos taga gobolka shabeelada dhexe ay guulo ka gaareen.

Waxay qaylo dhaan dhanka amaanka ah ay dhawaanahaanba ka taagnayd wadada xiriirisa gobolka shabeelada dhexe gaar ahaan Jowhar iyo Balacad halkaas oo marar badan ay ka dhaceen weeraro qasaare loogu gaystay masuuliyiinta maamulka hirshabeele,ciidamada dowalda Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee gobolkaas ku sugan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *