SHARE

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta ismaamulo kala duwan ka bilowday tallaal degdeg ah oo looga gol leeyahay in looga daweeyo cudurka dabeysha ee loo yaqaano Polio.
Tallalkan oo soconaya muddo 5 maalmood ah ayaa lagu bartilmaameedsanaya 2.4 milyan oo ah carruurta ay da’dooda ka hooseyso 5 sano.
Waxaa laga fulinaya 12 ka mid ah ismaamulada dalka oo lagu sheegay inay halis ugu jiraan firuusiga horseedi karo inuu qofku curyaan noqdo.
Madaxa horumarinta adeega caafimaadka ee dalka Dr. Sammy Mahugu ayaa sheegay in walaac xooggan laga muujinayo hoos u dhaca ku yimid tirada carruurta ee tallaalka qaata.
Guriba guriga ka dambeeya ayay sarakiisha caafimaadka ku wareegayaan waxaana tallaalka ka dhanka ah dabeysha laga fulinaya maamul goboleedyada kala ah Nairobi, Garissa, Wajeer,Mandhera Kajiado, Kitui, Machakos, Meru, Isiolo, Tana River iyo Lamu.
Bishii seddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii firuusiga cudurka dabeysha laga helay xaafadatani islii ee degaanka Kamukunji.