Ugu yaraan 14 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Pakistan

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof halka 65 dheeraad ahna ay ku dhaawacmeen.
Dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi oo loo adeegsaday bam ayaa dadka ay saameynta ka soo gaartay waxaa ka mid ah siyaasi ka soo jeedo gobolkaasi waqooyiga galbeed ee Pakistan oo lagu magacaabo Haruun Bilour,
Waxaa weerarka lala eegtay olole siyaasadeed oo uu soo qabanqaabiyay xisbiga (ANP) .
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo 25-ka bishan toddobaad la filayo inay doorasho guud ka dhacdo Pakistan.
Shafqat Malik oo ah sarkaal ka tirsan booliska dalkaasi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in baaritaanada hor dhaca ay muujinayaan in bartilmaameedsigu uu ahaa musharax Haruun Bilour.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda fulinta qaraxaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *