SHARE

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa ansaxiyay sarakiil uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta dhawaan u soo magacaabay inay noqdaan safiiro iyo xoghayayaasha wasaaradaha kala duwan.
Mas’uuliyiintan ayaa kala ah Esther Koimett oo loo soo xushay xoghayaha wasaaradda gaadiidka , guddomiyihii hore ee guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC Sarah Serem oo noqonaysa safiirka dalka ee Shiinaha, Francis Owino oo noqonaya xoghayaha wasaaradda adeega dadweynaha iyo dhalinyarada, madaxii hore ee waaxda dambi baarista dalka Ndegwa Muhoro oo Kenya ku matalaya Malaysia .
Waxay sido kale mudanayaasha baarlamaanka ansaxiyeen taliyihii hore ee militariga Samuel Thuita oo madaxweyne Kenyatta uu u soo magacaabay inuu noqdo safiirka Kenya ee Israa’iil, Johnson Ondieki oo aadaya Turkiga, Chris Mburu ( suudaanta koonfureed), afhayeenkii hore ee madaxtooyada dalka Manoah Esipisu oo noqonaya danjiraha Kenya ee ingiriiska, xildhibaankii hore ee degaanka Ainamoi Benjamin Langat oo tagaya dalka Namibia), Paddy Ahenda (Qatar) iyo Peter Ogego oo loo soo magacaabay safiirka dalka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.