SHARE

Guddoomiyaha maamul goboleedka Nairobi, Mike Sonko ayaa ku baaqay in cid waliba oo si sharci darro ah ku qaadatay dhulka dugsiga hoose dhexe ee Langata iyo 14 kale laga doonayo inay dib u soo celiso.
Mike Sonko ayaa qoraal uu soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriirto ku sheegay inuu digniin adag u jeedinayo shakhsiyaadka falkaasi sameeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in qof waliba oo degan ama ku ganacsado dhul la boobay laga doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga guuro.
Sido kale Mike Sonko aya sheegay in maamulka uu hoggaamiyo uusan marnaba u dulqaadan doonin dhul ay dowladu leedahay dadweynahana loogu talagalay in ganacsade dani gaar leh uu la wareego.
Amarka uu Sonko bixiyay waxaa qeyb ka ah in goobaha loogu talagalay garoomada cayaaraha ee la dhacay iyagana dowlada lagu soo celiyo.
Dowlad goboleedka Nairobi oo kaashanaysa maamulka qaran ee maareynta degaanka ee NEMA ayaa waddo howlgalo meesha looga saarayo guriyaha lagu dhisayo goobo aanan munaasab ahayn.
Waxaa howlgaladdan lagu ballarinaya wadooyinka sido kale looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo webiyada si marka daadad ay jiraan aysan ugu dhalan saameyn barakac iyo burbur lixaad leh keeni karto.
Ismaamulka Nairobi ayaa sheegay in baaritaano laga soo saaray in la dumiyo 651 dhismooyin ah oo ku yaallo caasimadda dalka.