SHARE

Gudoomiyihii hore ee ismamaulka Nairobi Dr Evans Kidero ayaa iska fogeeyay 3 dacwadood oo lagu soo oogay kuwaasi oo ku saabsanaa falal musuqmaasuq ah ama wax isdabamarin

Dr Evens Kediro oo ay shalay gacanta ku dhigeen gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa dalka ee EACC ayaa lagu waday in saaka la geeyo maxkamada hase ahaate waxaa uu maxkamada ka soo hormuuqday galabta.

Gudoomihii hore ee Nairobi ayaa maxkamada ka codsaday inay ku sii dayso damiin lacageed balse waxaa ka soo horjeestay garsoorihii dhagaysanayay dacwadiisa.