SHARE

Maxkamad ku taallo magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu ayaa waxaa la soo taagay haweeney 25 sano jir ah oo lagu eedeyay inay diiday inay naaska nuujiso canug ay dhashay.
Maxkamada ayaa loo sheegay inay ninkeeda ka dalbatay inuu siiyo 100,000 oo shilin si ay canuga u nuujiso.
Ms Faith Nyokabi ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay isaga tagtay canugeeda oo 4 bilood dhallan kadib markii dalabkeeda aanan la fulin.
Waxaa lagu eedeyay inay canuga dhayacday in kastoo ay iska fogeeysay waxyaabihii loos oo jeediyay kadibna lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 30 kun oo shilin.
Kiiska hooyadan ayaa dib loo soo hadal qaadi doonaa 15-ka bishan sideedaad ee aan ku guda jirno.
Charles Kirii oo ah ninka ay canuga u dhashay aya sheegay inuu marar badan isku dayay inuu ka dhaadhiciyo inaysan canuga isaga tagin.
Hasa ahaate hooyadan oo ku andacoonaysa inuusan ku tageerin daryeelka iyo xannaanada canuga ayaa codsiyadaasi ka dhaga fureysatay.