SHARE

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay degaanka Garissa Township Aadan Bare Ducaale ayaa dhaliilay mooshino ay bilaabeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ay uga gol leeyihiin in xilkaqaadis lagu sameeyo laba ka mid ah golaha wasiiradda.
Mr. Ducaale ayaa sheegay in tallaabo weliba oo la qaadayo loo baahanyahay inay noqoto mid loo cuskan karo shuruucda dastuuriga ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in ujeedada laga leeyahay mooshinada noocan oo kale ah badankoodu ay tahay in dadweynaha dareen siyaasadeed lagu abuuro.
Hoggaamiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in arrimahan inta badan aanan lagu guuleysan maadaama aanan loo marin qaabka habboon.
Hadalka Mr. Ducaale ayaa imaanaya iyadoo uu jiro mooshin ka dhan ah wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Henry Rotich kaasi oo uu wado xildhibaanka degaanka Kimilili , Didimus Baraza.
Mr. Rotich aya loo haystaa in tallaabo uu ku ansaxiyay in dalka la soo geliyo sonkor aanan canshuur laga qaadin ay horseeday in wadanka dibadiisa laga keeno mid kontarabaan ah.
Sido kale wasiirka ayaa lagu eedeyay inuu kaalin ka qaatay in wasaaradda waxbarashada ee dalka ay lacag dhan 1.5 bilyan oo shilin oo magdhow ah bixiso si ay dib ugu soo ceshato dhulka muranka dhaliyay ee ku yaalla degaanka Ruaraka ee ismaamulka Nairobi.