Baarlamaanka Morocco oo mamnuucay in haweenka si khasab ah lagu guursado

Waxaa maanta wadanka Morocco  ka dhaqangalaya sharci cusub oo  dembi ka dhigaya dhamaan  xadgudubyada  lagula kaco dumarka.

Baarlamaanka dalkaasi ayaa  hindisa sharciyeed arrinkan ku saabsan ansaxiyay  14-kii bishii labaad ee sannadkan.

Sharcigan ayaa ciqaab adag dul dhigaya   dadka  sameeyay tacdiyadaha   kala duwan ee haweenka loo geysto  sida kufsiga iyo dhibaatooyinka   ka dhex dhaco lamaanaha ee inta badan saameeya hooyada.

Sharcigan ayaa Morocco looga yaqanaa  Hakkaoui law waxana loogu magacdaray   wasiiradda  haweenka iyo arrimaha qoyska  ,Bassima Hakkaoui.

Waxaa uu gebi ahaanba mamnuuc ka dhigaya  fariimaha , hadal iyo qoraalba iyo xitaa qaababka wax la isugu miidaaro  ee ka turjumaya fal ama damac dhanka  galmada  .

Arrintan ayaa  imaanaysa iyadoo ay sare u sara  u sii kacayo  walaac  laga qabo tacaddiyada loo gaysto dumarka Morocco.

Mid ka mid ah daraasadaha la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii dumar ah ee reer Morocco ahba ay lix ka mid ah la kulmaan nooc taddi ah.

Sido kale waxaa  shacabka wadankaasi gaar ahaan ragga haddda kadib loo ogolayn inay  si khasab ah ku guursadaan dumarka   ama isku dayaan   iyadoo cidii lagu caddeeyo dambigaasi la xirayo  hal bil ilaa  iyo 5 sano ama  la dhul dhigayo  ganaax lacageed oo dhan  200  ilaa iyo 1000 doolar.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa  ku waremeysa in sannadkii hore maxkamadaha Morocco  loo gudbiyay 1,600 oo ah kiisaska kufsiga.

 

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *