Madaxweynihii hore ee Brazil oo isaga haray musharaxnimada hoggaanka wadankaasi

Wararka  naga soo gaaraya   dalka Brazil ayaa sheegaya  in madaxweynihii hore ee wadankaasi  Luiz Inacio Lula da Silva uu isaga haray loolaankii uu ugu jiray  hoggaanka  ugu sareeya.

Xisbiga shaqaalaha ayaa laga soo xigtay in   Lula   aanu u tartami doonin doorashada guud ee la qorsheeyay inay dhacdo bisha  xigta ee Oktoobar.

Waxaa  musharaxnimadiisa bedelay  Fernando Haddad  waxayna tani  timid kadib markii  markii maxkamadda sare ee Brazil ay ka mamnuucday madaxweynihii hore in uu u tartamo doorashada.

Lula ayaa ku jira    xabsi kadib markii lagu eedeyay  musuqmaasuqa   in kastoo tageerayaashiisa ay  amminsanyihiin in dhibaatada haysata ay tahay  mid siyaasadeysan   oo caddaalad darro ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *