Maraykanka oo sheegay in weerar waliba oo ka soo gaaro Ciraaq ay iiraan mas’uuliyadiisa qaadanayso

Dowlada Maraykanka ayaa ku  hanjabtay in  dhibaato kasta oo  ciidamadeeda ay kala kulmaan   sugidda amniga Ciraaq  ay mas’uuliyadda la xiriirta dusha saaranayso iiraan.

Bayaan  ka soo baxay  aqalka cad ee Maraykanka laga maamulo ayay  xoghayaha dhanka  saxaafadda  ,Sarah Sanders arrinkan shaaca uga qaaday.

Dowlada iiraan ayuu qoraalkan ku eedeynaya inaysan sameyn tallabo  xulafadeeda   ay uga hor istaageyso inay  weeraraan  ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha Ciraaq.

Sido kale eedeynta loo soo jeedinayo  xukuumada Tehran waxaa ka mid ah inay  dhaqaale, tababaro iyo hub siiso kooxaha  halkaasi dhibaatooyinka ka geysanaya.

Sabtidii ayay ahayd markii  gantaalo dhowr ah  lagu  ganay madaarka  magaalada Basra  ee Ciraaq halkaasi oo uu sido kale Maraykanku Qunsuliyad  ku leeyahay.

 

 

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *