Qaramada midoobay oo 38 wadan ku eedeysay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha

Qaramada midoobay ayaa  wadamo gaaraya  38 oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka ku eedeysay inay  ku kaceen  xadgudubyo ka dhan  ah  xuquuqul aadanaha.

Waxay jimciyadda  qurumaha ka dhexeysa  shaaca ka qaaday in  dowladaha   dalalkaasi   ay u caja gudleyeen  shakhsiyaad  kala shaqeynayay  arrimaha  bani’aadanimada  kuwaaso  loo geystay dilal, jir dil  iyo xabsi geyn aan loo fiirsan.

Xoghayaha guud ee  qaramada midoobay, Antonio Guterres ayaa warbixin sanadla ah ku sheegay  in   wadamadaasi lagu eedeynayo  olole aanan wanaagsanayn oo lagu bartilmaameedsaday  dhibanayaasha  iyo   dadka u dhaqdhaqaaqa  xuquuqul insaanka.

Wadamadan waxaa ka mid ah  Baxrain, Cameroon, China, Colombia, Cuba, Kongo, Djibouti, Egypt, Guatemala, Guyana, Honduras, Hungary, India, Israel, Kyrgyzstan, Maldives, Mali, Morocco, Myanmar, Philippines, Russian Federation, Rwanda, Saudi Arabia,  suudaanta koonfureed  , Thailand, Trinidad and Tobago, Turkey, Turkmenistan,  iyo  Venezuela.

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *