Baarlamaanka oo yeelanaya kulan ku saabsan qiimaha canshuurta ee shidaalka

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa isugu yeeray xildhibaanada golaha qaran ee sharci dejinta si ay u yeeshaan kulan gaar ah.
Maalmaha talaadada iyo khamiista ee toddobaadka soo socdo ayuu kulankaasi qabsoomaya.
Mr. Muturi ayaa looga fadhiyaa in mudanayaasha uu ku wargeliyo waxyaabaha madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ka yidhi hindisa sharciyeed loo gudbiyay oo ku saabsan maaliyadda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha uu hindisa sharciyeedkaasi dib ugu celiyay baarlamaanka si dib u eegis loogu sameeyo.
Baarlamaanka ayaa 14 maalmood ka hor ansaxiyay in muddo laba sano ah aanan la dhaqangelin qiimaha cusub ee lagu kordhiyay canshuurta laga qaado shidaalka ee ah boqolkiba 16.
Hasa ahaate waxay shacabka kenyaanka ah gaar ahaan gaadiidleyda walaac ka muujiyeen in qiimahan uu dhaqangalay 1-dii bishan sagalaad.
Afhayeenka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House Ms Kanze Dena ayaa sheegtay in hoggaamiyaha dalka la filayo inuu maanta faahfaahin ka bixiyo sababta uusan qalinka ugu duugin sharciga lagu wareejiyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *