Kaaliyaha ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo loo haysto anshax xumo

Waxaa inuu ku kacay falal anshax xumo ah loo haystaa kaaliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu.
Mas’uulkan ayaa in muddo ah shaqeyn doonin maadaama ay jiraan eedaymo ku aaddan anshax xumo dhanka galmada ah.
David Keyes ayaa ku doodaya in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo been abuur ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in mudada uu shaqada ka maqanyahay uu ku dadaalayo sidii aanan dhaawac dheeraad ah loogu geysan lahayn sumcadiisa.
Wargayska ka soo baxo gudaha Isra’iil ee lagu magacaabo, The Times ayaa ku waramaya in haween dhan 12 ay kaaliyaha Netanyahu ku eedeeyeen habdhaqan aan wanaagsanayn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *