Labada kuuriya oo furay xafiisyo isku xiraya

Wadamada kuuriyada waqooyi iyo kuuriyada koonfureed ayaa lagu soo waramayaa inay fureen xafiis isku xiraya.
Xafiiskaasi ayaa laga furay dhanka xadka kuuriyada waqooyi ee uu aad u ilaaliyo militariga.
Waxaa uu ka shaqeyn doonaa wanaajinta adeegyada isgaarsiinta ee ka dhexeysa labada wadan.
Isbuuca soo socdo ayaa lagu wadaa in madaxweynaha kuuriyada koonfureed Moon Jae –in uu dhigiisa kuuriyada waqooyi Kim Jong Un kula kulmo magaalada Pyongyang .
Tallabada maanta xafiiskan looga furay magaalada Kaesong ayaa ka mid ah dadaalada ay labadan wadan isugu soo dhawaanayaan.
Waa midkii ugu horeeyay tan iyo markii labada kuuriya ay kala go’een dhamaadkii dagaalkii labaad ee adduunka ee 1945-tii.
Wasiirka mideynta ee kuuriyada koonfureed ,Cho Myoung-gyon ayaa sheegay in tallabadan ay labada dhinac u horseedeyso guul iyo barwaaqo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *