Madaxda Ruushka iyo Turkiga oo ka shiraya xaaladda Idlib

Maalinka isniinta ah ee toddobaadka soo socdo ayaa la filaya in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula kulmo magaalada Sochi ee dalka Ruushka, sida ay sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumada Ankara.
Kulanka ayaa imanaya iyadoo beesha caalamka ay ka walaacsan tahay weerar ay ciidamada dowladda Syria qorsheynayaan inay ku qaadaan gobolka Idlib ee ku teedsan xuduudda Turkiga, oo ah meesha ugu dambeysa ee ay ku xooggan yihiin mucaaradka ka soo horjeedo dowlada madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa shir jaraa’id maanta ku sheegay in dalkiisa uu diyar u yahay inuu cid kasta kala shaqeeyo la-dagaalanka argagixisada.
Hasa ahaate waxaa uu cambareeyay oo uu hoosta ka xariiqay inaysan marnaba soo dhaweynayn in la dilo shacabka, haweenka iyo caruurta iyadoo qiil laga dhiganayo la dagaalanka argagixisada.
Tallabadaasi ayuu ku micneeyay mid ka baxsan bani’aadanimada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *