Nin maalqabeyn ah oo sadaqa ahaan u bixinaayo 2 bilyan oo doolar

Jeff Bezos, madaxa shirkadda Amazon ayaa sheegay inuu gargaar ahaan u bixinaayo 2 bilyan oo doolar oo uu ku caawinayo dadka guryo la’aanta iyo sidoo kale iskuulo la’aanta ah.
Ninkan oo ah ninka ugu taajirsan aduunka ayaa talaabadan uu qaadaya ku shaaciyay boggiisa Twitterka.
Hasa ahaatee wuxuu sheegay mashruuca ay hay’addiisa samafalka bixineyso loo bixinaayo, Day One Fund.
Jeff Bezos ayaa la sheegay inuu dhaqaalihiisa ka badan yahay 164 bilyan oo doolarka Maraykanka ah,wuxuuna horay ula kulmay dhaleecooyin badan oo ah in uusan wax badan ka gaysanin arrimaha gargaarka.
Senetar kamid ah seneterada Mareykanka oo lagu magacaabo Bernie Sanders ayaa dhaliilay xaaladda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala bakhaarrada shirkada Amazon.
Balse Bezos ayaa dadka Twitterka isticmaala waydiiyay talo ku saabsan hanaankii uu u adeegsan lahaa hantidiisa gaarka ah.
Wuxuu Jeff Bezos dhaqaalihiisa kor u kacay ka dib markii ay kor u keceen qiimaha saamiyada ee shirkada Amazon, islamarkaasna la dhimay canshuurihii wadanka Maraykanka.
Shaley ayuu sheegay in hay’addiisa ay dhaqaale ku kabi doonto hay’addaha kale ee caawiya qoysaska hoy la’aanta ah, islamarkaasna uu xaruma waxbarasho u dhisi doono bulshooyinka uu dhaqaalaha yar soo galo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *