Waaxda NSSF oo kenyaanka uga digtay fariimo lagu faafiyay baraha bulshada

Waaxda qaabilsan maareynta lacagaha la siiyo shaqaalaha dowlada ee howlgabka noqdo ee loo soo gaabiyo NSSF ayaa soo saartay digniin ku aaddan qoraal lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Maamulaha dhanka xiriirka bulshada ee NSSF Dr. Christopher Khisa ayaa dadweynaha u sheegay inay feejifgnadaan oo aynan ku tallaaba qaadin fariintaasi.
Waxaa uu sido kale mid been abuur ah ku tilmaamay qoraal dadweynaha lagu wargeliyay inay waaxda NSSF ka qaadan karaan lacago laga jarayay tan iyo sagashameeyadii.
Digniintan uu mas’uulkan soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in hadii lagu soo diro aadan ku dhaqaaqin ama aadan lifaaqa furin maadaama ay dhibaato ka soo gaari karto.
Sido kale NSSF ayaa sheegtay inay guda gashay baaritaano lagu xaqiijinayo halka ay ka timid fariintaasi lagu doonayo in lagu helo macluumaadka shacabka si loogu geysto dhac hantiyadeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *