1.6 milyan oo Kenyaan oo halis ugu jiro COVID19

Machadka sameeya cilmi baarista caafimaad ee KEMRI ayaa sheegay in 1.6 milyan oo qof oo ku nool Kenya ay halis ugu jiraan inuu haleelo cudurka COVID19.
Tiradan ayaa horay lagu sheegay 2.7 milyan wuxuuna isbeddelku yimid dib u eegis la sameeyay kaddib.
KEMRI ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday warbixin laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay ilaa 3,098 oo dheecaan ah.
Sayaansyahaano ay horkacayso Dr. Sophie Uyoga ayaa baaray dheecaankan oo 30-kii bishii Afaraad ilaa 16-kii June ee sannadkan laga qaaday Kenyaan ay da’dooda u dhexeyso 15 ilaa 64 sano.
Sido kale waxaa soo saaridda warbixintan gacan ka gaystay xoghayayaasha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka ee kala ah Dr. Rashid Aman iyo Dr. Mercy Mwangangi iyo sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr.Patrick Amoth

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here