1.7 milyan oo Kenyaan oo shaqooyin ku waayay COVID19

Shirkadda dowladda dhexe u qaabilsan uruurinta iyo keydinta tirooyinka ee KNBS ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in saameynta cudurka COVID19 ay ka mid tahay inuu sababay shaqo la’aan.
Sida warbixinta ku xusan intii u dhexeysay bilihii Afaraad ilaa Lixaad ee sannadkan waxaa shaqooyinkii ay haayeen lumiyay 1.7 milyan oo Kenyaan ah.
Tirada shacabka shaqeeya oo bishii saddexaad ee sannadkan ahayd 17.8 milyan ayaa hadda ah 15.9 milyan sida laga soo xigtay shirkadda KNBS.
Dadka ugu badan ee gudaha wadanka shaqo la’aanta ay ku haysato ayay da’dooda u dhaxaysaa 20 ilaa 29 sano.
Heerka shaqo la’aanta ee dalka oo 6 bilood ka hor ahayd boqolkiiba 5.2 ayaa hadda ah 10.4 boqolkiiba.
Tirada dadka aan shaqeyn ee Kenya ayaa korortay boqolkiiba 58.6

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here