10 ka mid ah ardayda dugsiga sare ee Maranda oo la eryay

Maamulka dugsiga sare ee Maranda ayaa waxaa uu si ku meel gaar ah u ceyriyay 10 ka mid ah ardayda xaruntaas waxbarasho.
Waxay tani timid kaddib dab jimcihii la soo dhaafay ka kacay qeyb ka mid ah goobaha jiifka.
Ardaydan xaafadahooda loo diray ayaa isugu jiro mid dhigta fasalka afaraad ee dugsigaas iyo 9 kalena oo fasalka saddexaad ku jiro.
Agaasimaha waxbarashada ee deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya, Elisha Omalla ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in ardayda la tuhmayo su’aalo lagu weydiiyay saldhigga booliska ee Bondo oo aynan dugsiga dib ugu soo laaban doonin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya baaritaanada ka dhanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here