10 qof oo ilaa iyo hadda ku dhimatay gurigii ku dumay Embakasi

People and rescue workers attend the scene of a building that collapsed in Tasia Embakasi, an east neighbourhood of Nairobi, Kenya on Friday Dec. 6, 2019. A six-story building collapsed in Kenya's capital on Friday, officials said, with people feared to be trapped in the debris. Police say people have been rescued by residents using their bare hands. (AP Photo/Khalil Senosi)

Tirada dhimashada ee ka dhalatay dhismihii maalinkii jimcada ee la soo dhaafay ku dumay xaafadda Taasia , deegaanka bariga Embakasi ee magaaladatani Nairobi ayaa ilaa iyo hadda gaartay 10 qof.
Arrintan ayaa timid kaddib markii galinkii dambe ee shalay la soo helay meydadka saddex qof oo dheeraad ah.
Taliyaha saldhigga booliska ee Embakasi ,David Apima ayaa sheegay in saddexdan ruux ay isugu jiraan laba carruur iyo qof weyn oo rag ah.
Waxaa ilaa iyo hadda la soo samata bixiyay 36 qof .
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegaysa inaan weli meel lagu ogeyn 7 qof oo loo maleynaya inay ku hoos jiraan dhismaha dumay oo ka koobnaa 6 dabaq.
Waxaa howlaha samatabixinta qeyb ka ah ciidamada difaaca dalka, saraakiisha waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka iyo howlwadeenada hay’adda laanqeerta cas.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan deegaankaas James Wanyoike ayaa sheegay inaynan weli caddeyn mudada uu qaadan doono howlgalka badbaadinta.
Baaritaanada hor dhaca ah ayaa muujinaya in daartaasi laga dhisay meel biyo mareen ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here