10 qof oo ku dhimatay dalka Japan oo ay duufaan ku dhufatay

10 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen magaalada Tokyo ee wadanka Japan oo laga soo tabiyay duufaan xooggan.
Waxaa sido kale weli la la’yahay 16 dheeraad ah iyadoo dhibaatadan lagu tilmaamay middii ugu weynayd ee magaaladaasi saameysay tobaneeyo sano.
Ilaa 500 oo kun oo qof ayay koronto la’aan soo foodsaartay sida ay baahisay warbaahinta NHK.
Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa durbaba shir guddoomiyay kulan degdeg ah oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta wasaarado dhowr ah.
Waxaa uu tacsi u diray qoysaska ay eheladooda musiibadaasi ku dhinteen isagoo xusay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii loo badbaadin lahaa nolosha shacabka iyo hantidooda.
Wasaaradda qaabilsan maareynta musiibooyinka ee Japan ayuu Shinzo Abe ku amray in dadaalkeeda laba jibaarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here