10 qof oo ku dhimatay roobab ka da’ay dalka Japan

Tirada dhimashada ee roobabkii ka da’ay dalka Japan ayaa sare u kacday waxaa ayna gaartay ila iyo 10 qof.
3 qof ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay sida ay tabisay warbaahinta dowladda Japan.
Jimcii shalay ayay ahayd markii dhul go’ uu ka dhacay gobolada Chiba iyo Fukushima ee waqooyi bari Japan.
12 saacadood oo xariir ah ayaa goboladaasi waxaa ka da’ay roobab xoogan oo sababay dhimasho iyo dhul go’.
Dadka ku nool magaalooyiinka ay uu ka da’ay roobabka ee dalka Japan ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha halista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here