10 Qof oo Maxkamad loo soo Taagay Kiisa Caaisha Ilyaas

79

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Maxkamdda Puntland ayaa Saakay goob Fakaaro ah horkeentay 10 eedeysane oo loo heysto in ay ka dambeeyeen dilkii iyo kufsigii Caaisho Ilyaas loogu geystay Magaalada Gaalkacyo.

Goobta Dacwadda lagu qaadayay ayaa waxaa ku sugan qeybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana 10-ka ruux la sheegay in loo heysto 7 dambi oo ku aadan dilkii iyo Kufsigii Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabadh yar oo wali qaangaarin.

Markii ay Maxkamado bilaabatay oo xeerilaalinta ay soo jeediyeen Eedeymaha loo heysto 10-ka ruux ayaa qareenaddii difaacayay ay Codsadeen in la siiyo Waqti ay kusoo diyaarsadaan Difaacooda iyo Cadaymo.

Mid ka mid ah Xeer Ilaaliyaasha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Maalinta sabtida ah ee soo socota dib loo furi doono dhageysiga kiiska dacwada ah e loo heysto dadkii ka  dambeeyey Kufsiga iyo dilka Caaisha.

Waxa uu sheegay dib loo dhigay Sababo la xariira Codsiga Qareenadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here