10 sano oo ka soo wareegatay xilligii la soo saaray dastuurka hadda laga isticmaalo Kenya

The Constitution of Kenya ,2010 - An Introductory Commentary - William Oeri

Waxay maanta taariikhdu ku beegan tahay sanadguuradii 10-aad ee ka soo wareegatay xilligii la soo bandhigay dastuurka hadda wadanka Kenya u degsan.
27-kii bishii sideedaad ee sannadkii 2010-kii ayay ahayd markii uu shaaca ka qaaday madaxweynihii hore Mwai Kibaki.
Waxyaabihii ugu weynaa ee uu dastuurkan dalka u horseeday ayaa ah in la soo dhisay dowlad deegaano ka kooban 47.
Maamulka ayaa loo daadajiyay deegaannada hoose waxaana uuna nidaamkan si rasmi ah u dhaqangalay 2013-kii .
Isbeddelada uu keenay waxaa ka mid ah xilalka barasaabka ismaamulka, senatarka, wakiilka haweenka iyo wakiillada deegaannada hoose ee loo yaqaano MCAs.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in hadii ay jiraan baahiyo aan weli la xallin wax laga beddeli karo dastuurka.
Hadalkan ayay dadka qaar u fasireen inuu gogol xaar u yahay afti loo qaadayo sharciga oo si weyn wadanka looga hadal hayo.
Dastuurka Kenya ayay aqoonyahaano badan oo dhanka sharciga ah ku tilmaameen mid aad u wanaagsan balse waxaa dhanka kale jiro dareen ah inaan si buuxda loo dhaqangelin qodobbada qaar.

Abdinoor Ali ayaa Khadka telefanka kula Xiriiray Abdikadir Mohamed, oo ahaa Lataliyihi hore Madaxweyne uhuru ee dhanka dasturka iyo sharciga. Wuxuu ugu horaynweydiiyay baahida keentay in dastuurka la badaly 10-sano ka hor?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here