100,000 macallimiin ah oo mushaar kordhin loo sameynaya

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay in bishan mushaar kordhin loo sameyn doono in ka badan 100,000 oo barayaal ah.
TSC ayaa arrinkan u xaqiijisay macallimiinta haya xilalka dhanka maamulka.
Guddiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in mushaar kordhintan ay ku baxaysa lacag dhan 11 bilyan oo shilin.
TSC waxay macallimiinta ugu baaqday inaynan walaac muujin maadaama mushaar kordhintan la dhaqangelinayo dhammaadka bishan Toddobaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here