11 eedeysanayaal ah oo maanta tagaya xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista

Waxaa lagu wadaa in 11 qof oo eedeysanayaal ah ay maanta iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo ku taalla wadada Kiambu Road kaddib markii loo yeeray si su’aallo loo weydiiyo.
Dadkan ayaa ayaa lala xiriirinayaa fadeexadda mashruuca biyo xireenka Itare Dam.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay soo baxday in fulinta barnaamijkaasi lagu lunsaday in ka badan 38 bilyan oo shilin.
Saraakiisha loo wacay ayaa isugu jiro kuwo horay xubno uga ahaa wakaaladda horumarinta arrimaha biyaha ee ( RVWWDA) .
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah Ms Lydia Ntimama, oo uu dhalay wasiirkii hore William ole Ntimama iyo saraakiil sar sare oo dowladda ka tirsan.
Shakhsiyaadka kale ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Christine Ndoigo, David Kinuthia, Chesaina Bartonjo, Julius Lamaoni, Nemuel Machuki, Ewoi Lochom iyo Samuel Kaaleng oo dhammaan wakaaladda uga soo shaqeeyay.
Galinkii dambe ee shalay ayay waaxda DCI bayaan ku sheegtay inay baaritaano ku hayso eedeymo ah in hanti lagu lunsaday dhismaha biya xireenka Itare Dam.
Waxay saraakiishan loo yeeray xilal kala duwan hayeen intii u dhaxeysay sanadihii 2012 iyo 2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here