11 kun oo dhakhaatiir ah oo la tababaray

Wasaaradda Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay tababar la xiriira caabuqa coronavirus siisay dhakhaatiir tiro ahaan dhan 11,000.
Sido kale waxaa tababarkan ka faaiidaystay 60,000 oo ah dadka ka shaqeeya caafimaadka bulshada ee 47-da ismaamul ee wadanka.
Waxay wasaaraddu intaa ku dartay in tani ay sare u qaadday tayada saraakiisha caafimaadka ee ka howlgalo xarumaha kala duwan ee dalka.
Shalay ayay ahayd markii dowladda ay shaacisay 72 xaaladood oo cusub oo ah kuwa cudurka covid-19.
Tani ayaa timid kaddib baaritaano lagu sameeyay dhacaanka 2,711 qof.
Tirada guud ee xanuunkan dadka uu ku dhacay dalka waxaa ay gaartay 1,286 ruux iyadoona tan iyo markii uu caabuqan kenya ka bilaaday ay wasaaradda cafimaadka ay baartay dad gaaraya 61,971.
Kiisaska ugu dambeeyay ee la xaqiijiyay waxa ugu badan magaala madaxda dalka ee Nairobi oo laga helay 52 xaaladood.
Waxaana soo raaca ismaamuladan oo iyaguna kiisas laga helay.Mombasa 11; Kiambu 7; Isiolo 1 iyo Turkana 1.
Goobaha ismamauladaas laga diiwangaliyay kiisaskan waxaa ka mid ah Nairobi
Langata (21) cases; Dagoretti North (15); Kamukunji iyo Kibra (4), Embakasi East two (2), Kasarani (3), Dagoretti South (1), Makadara iyo Mathare (1)
Mombasa Nyali (4), Mvita (3), Kisauni (3) Changamwe (1).
Kiambu ,Limuru (2) Githunguri, Kabete, Ruiru, Thika & Kikuyu, (1).
Xarunta karantiilka ee Isiolo (1).
Dhanka Turkana kiisaka laga diiwangaliyay waxaa laga helay Kakuma oo ay dad badan oo qaxooti ah ku noolyihiin.
9 qof oo dheeraad ah ayaa saacadihii la soo dhaafay isbitaalada laga saaray ka dib markii ay ka caafimaadeen fyruskan halista ah ,tirada guud ee bogsashada cudurkan dalka waxaa ay hadda maraysa 402.
Xog’hayaha wasaaradda cafimaadka dalka Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in 1 qof oo hor leh uu caabuqan dalka ugu geeriyooday taasi oo dhimashada guud ka dhigtay 52.
70 ka mid ah kiisaska 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay dalka laga diiwangaliyay waa Kenyaan halka labada kalena ay ka soo kala jeedaan dalaka Somalia iyo Uganda.
44 waa rag halka 28-da kalena ay yihiin dumar waxaana u yar 12 sano jir waxaa u weyn 78 sano jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here