11 qof oo ilaa iyo hadda ku dhintay daadadka ismaamulka Turkana

Tani iyo 29-kii bishii Afaraad ee sannadkan waxaa ismaamulka Turkana daadadka saameeyay awgeed ku dhintay 11 qof.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Turkana ,Muthama Wambua ayaa sheegay in dhanka kale ugu yaraan 400 oo qoys ay guriyahooda ka barakaceen.
Mr .Wambua ayaa shacabka deggan agagaarka webiga Turkwel ee ismaamulkaas ugu baaqay inay u guuraan meelo ay ku badbaadi karaan.
Mas’suulkan ayaa xusay in dowladda ay guda gashay barnaamij cunno gargaar ah loogu qeybinaya dadka ay fatahaadaha saameeyeen.
Ismaamulka Turkana ayay dowladda gaystay ilaa 1,000 loor oo bariis ah.
Sido kale mid kasta oo ka mid ah toddobada deegaan baarlamaneed ee ismaamulkaas waxaa la geynayaa 50 kaartoon oo ah saliidda cunada lagu karsado iyo cunnooyinka nafaqada xoojiya.
Sido kale daadadka ayaa qaaday neefaf ari ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here