11 qof oo loo xiray inay arday u sameeynayeen imtixaanka KCSE

Saraakiisha waxbarashada iyo kuwa ammaanka ee ismaamulka Kisii ayaa iska kaashaday in xabsiga loo taxaabo ilaa 11 qof oo lagu eedeyay inay iska dhigeen arday si ay u sameyaan imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiga sare (KCSE).
Dadkan ayaa laga soo qabtay dugsiga sare ee Milimani Ramasha ee dowlad deegaanka Kisii.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in sido kale gacanta lagu dhigay mulkiilihii dugsigaasi oo ah mid si gaar ah loo leeyahay.
Maanta ayaa la filayaa in eedeysanayaasha maxkamadda la soo taago si loogu soo oogo dacwad ah inay khiyaano saameyeen.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo iskudayda inay sameeyso ama ku lug lahaato wax isdabamarin dhanka imtixaanaadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here