113 muhaajiriin ah oo lagu xiray Liibiya

Ciidamada ilaalada xeebaha Liibiya ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay qabtay 113 qof oo soogalooti ah kuwaasi oo doonayay inay u gudbaan dhanka Talyaniga.
Qaramada midoobay ayaa arrinkan shaaca ka qaadday waxaana mar kale dib u bilowday isticmaalka doomaha dadkan lagu musaafuriyo kaddib markii ay istaageen dagaalo halkaasi ka jiray.
Xeebaha galbeedka Liibiya ayaa marin u ah tahriibayaasha ka taga wadamada qaaradda Afrika ee doonaya inay galaan dalalka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here