Golaha  wakiillada  Maraykanka oo xilka qaadista Trump ku wareejiyay aqalka sare

Golaha wakiillada    Maraykanka  oo  shalay u codeeyay  mooshinka xilka qaadista   madaxweynaha xukuumadda  Washington, Donald  Trump ayaa  arrintan  ku sii wareejiyay  aqalka sare  ee Senate.

228  ka mid ah  siyaasiyiinta Maraykanka ayaa mooshinka  codkooda ku taageeray waxaana ka soo horjeestay   193 .

Trump  ayaa  loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin ku takriifal awoodeed  kaddib markii ay soo baxday  in dowladda  Ukraine   uu weydiistay  inay  baaritaano  ku sameyso  madaxweyne  ku xigeenkii hore ee Maraykanka   ,Joe Biden oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.

Sido kale waxaa uu    Donald  Trump wajahayaa    dacwad ku saabsan inuu   is hor  taagay helidda  cadeymo iyo dokumeentiyo  laga  dalbaday.

Afhayeenka aqalka cad ee Maraykanka  Stephanie Grisham  ayaa sheegtay in  Trump uu  rajeynayo  inaan wax dembi ah lagu  helin maadaama uunan wax khalad ah sameyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here