12 ka mid ah ismaamullada oo diyaariyay 300 oo sariirro ah

Golaha guddoomiyaasha ismaamullada dalka ee COG ayaa sheegay in 12 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee wadanka ay u hoggaansameen amarkii madaxweynaha ee ahaa in la diyaariyo ugu yaraan 300 oo sariirro gaar u ah bukaannada cudurka COVID19.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo mudadii loo qabtay ay ku ektahay 6-da bisha toddobaad ee sannadkan.
Guddoomiyaha golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in dowlad deegaannada ay ilaa iyo hadda diyaariyeen 6,898 oo sariirro gaar ah halka bartilmaameedsiga qaran uu yahay 30,500 .
Waxaa uu sido kale Mr. Oparanya xusay in 16,914 oo howlwadeeno caafimaad ah la siiyay tababar ku saabsan maareynta kiisaska cudurka COVID-19 .
Mr.Oparanya ayaa intaa ku daray inay wasaaradda caafimaadka iska kaashanayaan soo saaridda tilmaamaha ku saabsan daryeelka bukaannada COVID-19 ee guriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here