12 Muwadiniin u dhashay Soomaaliya oo lagu qabtay Garissa xilli ay saarnayeen baaburka dowladda

Booliska magaalada Garissa ayaa baaraya dhacdo ay 12 muwaadiniin Soomaaliya u dhashay oo aan heysan kaarka aqoonsiga ee ID-ga loo yaqaano xilli ay saarnayeen baabuur Land cruiser oo ay dowladda ismaamulka Garissa leedahay.
12-ka qof ayaa lagu qabtay buundada Garissa kaddib markii ay saraakiisha dalbadeen inay arkaan warqadaha ogolaanshaha inay dalka shaqa u joogaan.
Saraakiisha booliska ayaa kaddib waxay ogaadeen in taarikada babuurka uu khaldanyahay, islamarkaana ahayn tii rasmiga ahayd.
Laanta dembi baarista ayaa kaddib dalbatay in Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) isla markana ogaadeen in babaurka uu u diiwaan gashanyahay Wasaaradda hormarinta magaaloyiinka ee ismamaulka Garissa.
Koox isku dhaf ayaa la soo dhisay si ay u helaan warbixin ku aadan halka ay 12-ka muwadiniin u jeedeen iyo cidii ka dambays socdaalka.
Horantii Bishan September, Saraakaiisha waaxda dembi baarista ayaa gacanta ku dhigay kooxa ka ganacsada dhoofinta dadka waxayna saraakiisha badbaadiyeen 16 ajaanib ah gar ahaan wadada xiriirisa Marsabit-Isiolo.
Dadkaas oo saarnaa saddex baabur ayaa waxaa dhoofinayay 6 tuhunsayaal ah oo haatan ku jiro gacanta booliska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here