12 qof oo ay burcad ku dhaawacday ismaamulka Mombasa

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta gaar ahaan deegaanada Nyali iyo Kisauni ayaa sheegaya in mar kale halkaasi ay ka soo cusboonaadeen weerarada burcadnimo.
Burcad baangado ku hubeysan ayaa weerar ku dhaawacay 12 qof.
Dhaawaca ayaa hadda lagu daaweynayaa isbitaalka guud ee gobolka xeebta in kastoo badankoodu aynan xaaladooda liidan.
Qaar ka mid ah shacabka iyo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen falkaasi ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Mombasa , Gilbert Kitiyo ayaa dhankiisa sheegay in la rumeysan yahay in 6 ka mid ah burcadda ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah kaddib howlagllo ay laamaha ammaanka sameeyeen.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa horay wacad ugu maray in la cirib tirayo kooxaha buracadda ee ismaamulkaasi balse waxay u muuqataa inaan weli si buuxda loo burburin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here