12 qof oo manta Kenya ugu dhimatay Corona Virus

Wasaarada caafimaadka ee dalka oo sida caadada ahayd u shaacisay manta wararkii ugu dambeeyay COVID-19 dalka waxaa ayna shaaca ka qaaden in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay Kenya laga diiwangaliyay kiisas dhan 189 taas oo tirade guud ka dhigtay 10,294 .
Kiisaskan ayaa la helay ka dib markii baaritaano cafimaad lagu sameeyay dad gaaraya 1,205 ruux iyadoona guud ahaan dalka laga baaray Corona dad dhan 216,242.
Ismaamulada laga helay kiisaska manta Nairobi 147, Kiambu 20, Machakos 11, Kajiado 5, Mombasa 2, Uasin Gishu, Kisumu, Laikipia iyo Kericho min (1) case.
24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa dalkani Kenya ugu geeriyooday Xanuunka Corona 12 qof taas oo tirade dhimashada guud ka dhigtay 197.
Dhamaan dadkaas waxaa ay ku sugnaayeen caasimadda dalka ee Nairobi.
Manta 65 qof oo dheeraad ah ayaa isbitaalada laga saaray ka dib markii ay ka caafimadeen cudurka.
Bogsashada guud waxaa ay gaartay 2,946 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here