12 qof oo Maraykanka ugu dhimatay caabuqa Coronavirus

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimasho ee la xiriirta caabuqa Coronavirus ee laga diiwaangeliyay gudaha Maraykanka.
Xarunta xukuumadda Washington u qaabilsan ka hor tagga iyo xakameynta faafidda cudurrada ayaa sheegtay inay dhinteen 12 qof.
Kiisaskan ayaa isugu jiro 11 laga soo tabiyay California iyo mid Washington.
Ugu yaraan 129 kiis ayay xaruntu xaqiijisay in gudaha Maraykanka lagu arkay.
Dhawaan ayay ahayd markii golaha kongareeska ee dalkaas uu lacag dhan 8.3 bilyan oo doolar u qoondeeyay la tacaalidda cudur sidaha saameeyay qaar ka mid ah wadamada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here