13 bukaan oo u geeriyooday xanuunka COVID-19

Wasaarada caafimadka ayaa maanata shaacisay in 218 bukaan ah uu haleelay xanuunka COVID-19 ka dib markii la baaray dhecaanada 5,424 qof afar iyo labaatakii saac ee anu soo dhaafnay taasi oo ka dhigeyso wadartra guud ee dadka uu ku dhacay 37,707.
Wasiirka Caafimadka Mutahi Kagwe,ayaa war saxafadeed waxa uu ku sheegay in dhamaan kiisaska cusub yihiin Kenyan marka laga reebo 8 ajaaniib ah. 159 ka mid ah bukaanada waa rag halka 59 ay dumar yihiin. Bukanka ugu yar da’adiisu waah al sana jir halka kan ugu wayn da’adiisu tahay 78.
Kiisaskan ayaa waxa laga diiwaan galiyay ismaamulada kala ah Nairobi (68), Kisii (28), Mombasa (21), Kisumu (19), Kiambu (13), Kajiado (11), Busia (10), Machakos (8), Tharaka Nithi (6), Garissa (6), Taita Taveta (5), Nakuru (4), Uasin Gishu (3), Narok (2), Laikipia (2), Kakamega (2), Kericho (2), Homa Bay (1), Murang’a (1), Bomet (1), Kilifi (1), Makueni (1), Migori (1) Nyandarua (1) iyo Nyeri (1).
Deeganada laga diiwaan galiyay xaaladahan cusub ee waa Starehe iyo Westlands min (7), Lang’ata (6), Galbeedka Embakasi (5), Woqooyiga Dagoretti, Bartamaha Embakasi, Bariga Embakasi, Konfurta Embakasi, Kibra, Makadara iyo Roysambu min (4), Konfurta Dagoretti , Kasarani Iyo Ruaraka min (3), Woqooyiga Embakasi, Kamukunji iyo Mathare min (2) kiis.
Mombasa, Kiisaska waxa laga diiwaan galiyay Jomvu (15), Kisauni (3), Mvita (2) Iyo Nyali (1).
Ismamaulka Kajiado, 11 kiis ayaa waxa laga diiwaan galiyay Wiqooyiga Kajiado (7) iyo Bariga Kajiado (4).
Halka 6 kiis ee Ismamaulka Garissa, 4 ka mid ah laga diiwaan galiyay xeryaha Dadaab iyo laba kiis oo laga xaqiijiyay gudaha magalada Garissa.
Wasiir Kagwe ayaa sheegay in 170 bukaan ay ka caafimadeen xanuunka, 91 ka mid ah waxa laga soo saaray xaruumaha caafimad ee dalka halka 79 lagula tacaalaye guryaha. Waxayna wadarta guud ee bukaanada ka caafimaaday noqoneysa 24, 504.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in 13 bukaan ah ay u geeriyoodeen xanuunka kana dhigeyso triad guud ee dadka u dhintay xannunka 682.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here