Dad ku dhaawacmay is-buurasho ka dhacday kanaalka Likoni

Waxaa galabnimaadii maanta is-buurasho ka dhacday kanaalka Likoni ee mashquulka badan halkaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 13 qof.
Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ee Kenya, oo saldhig u ah kanaalka dhinaceeda jasiiradda, ayaa u gurmaday dadkii dhaawacmay.
Waxaa maanta ciriiri ka jiray kanaalka iyada oo qaar ka mid ah adeegsadayaasha ay ku qasbanaadeen inay sugaan saacado maadaama ay kaliya seddex feerishaqeynayeen.
Caadi ahaan, inta lagu jiro saacadaha danbe ugu yaraan afar feeri ayaa looga baahan yahay inay ka hawl galaan halkaasi.
Dad badan ayaa jebiyay sharciga ‘Covid-19’ intii lagu guda jiray shaqaaqad halkaasi ka dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here