13 Qof oo ku Dhintay Diyaarad ku Burburtay Dalka Mexico

Wararka naga soo gaaraya   waqooyiga dalka Mexico   ayaa sheegay in diyaarad halkaasi ku burburtay  ay ku dhinteen 13 qof oo  ay sidday.

Dadka  dhintay  waxaa ka mid ah 5 qof oo hal qoys ka soo wada  jeeda oo dib uga soo laabtay cayaar  feer ah  oo ay ku soo daawanayeen  magaalada  Las Vegas ee  Maraykanka.

Diyaaraddan oo  maalinkii axadda  ka soo duushay Las Vegas ayaa burburkeeda  laga helay waqooyiga degmada   Ocampo ee dalka Mexico.

Muuqaal  uu  baahiyay  telefishinka Milenio oo   laga leeyahay   Mexico   ayaa muujinaya  qalabka  diyaaraddaasi  burburtay oo gubtay.

Rakaabka  burburkaasi diyaaradeed ku dhintay ayaa la sheegaya inay da’doodu u dhexeyso 19 iyo  57  sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here