137 xaaladood oo coronavirus oo laga xaqiijiyay dalka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galabta shaacisay xaalado cusub oo la xiriira cudur sidaha corona kuwaasoo gaaraya 137 .
Tani ayaa timid kaddib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay cudurka Covid-19 laga baaray dheecaan dhan 3,167
Tirada guud ee kiisaska coronavirus gudaha dalka waxay hadda tahay 3,594 oo laga helay dheecaan dhan 115,336.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe oo shirka jaraaid ee maalinlaha ku qabtay ismaamulka Nyeri ayaa sheegay in Nairobi laga xaqiijiyay (92) xaaladood, Mombasa (16), Kajiado (15), Busia iyo Kiambu oo min afar kiis ah, Kilifi, Nakuru, Nyamira, Uasin Gishu, Siaya iyo Muranga oo min hal kiis ah.
Waxaa sido kale cudurka ka caafimaaday oo isbitaallada laga saaray 32 bukaan dheeraad ah.
Tani ayaa tirada dadka ee gudaha wadanka cudurka uga caafimaaday ka dhigaysa 1,253 qof.
Saddex qof oo kale ayaa cudurka covid-19 u dhimatay waxayna hadda tirada dhimashada maraysaa 103.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here