138 ka mid ah saraakiisha caafimaad ee Iiraan oo u dhintay COVID19

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda 138 ka mid ah dhakhaatiirteeda ay u dhinteen cudurka COVID19.
Wakaaladda wararka ee ISNA oo soo xiganaysa Xuseen Kermanpour oo ah afhayeenka howlwadeenada caafimaadka ee wadankaas ayaa sidan ku warramaysa.
Saraakiishan uu noloshooda cudurka galaaftay iyagoo dadweynaha u adeegaya ayaa isugu jiro 90 dhakhaatiir iyo 28 kalkaaliyayaal ah.
Horraantii Toddobaadkan ayay ahayd markii dowladda Iiraan ay shaacisay in 12,000 oo saraakiil caafimaad ah uu ku dhacay caabuqa corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here