14 ismaamul oo heegan sare kaga jira caabuqa Coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa heegan sare gelisay 14 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee uu wadanku ka kooban yahay.
Ismaamulladan ayaa ah kuwo wadanka laga soo galo ama u dhow xuduudda dalka looga soo gudbi karo wadamada dariska la ah.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay inay ka hor tag u noqoto inuu Kenya soo gaaro caabuqa Coronavirus ee dunida ku sii fidaya.
Ismaamulladan ayaa kala ah Nairobi, Mombasa, Kisumu, Kiambu, Uasin Gishu, Kajiado, Busia, Migori, Kilifi, Kakamega, Kajiado, Nakuru, Wajeer iyo Garissa.
Dr. Daniel Lang’at oo ah madaxa wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan kormeerka cudurrada ayaa arrintan shaaciyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in si buuxda loo howlgeliyay guddi loo saaray ka hor tagga firuusigan sidaas awgeedna ilaa iyo hadda gudaha wadanka uunan ka jirin wax kiis ah oo la xiriira oo la diiwaangeliyay.
Dr. Langat ayaa intaas ku daray in ilaa iyo maalinkii Arbacada ee toddobaadkan in baaritaano lagu sameeyay 342,510 qof oo wadanka safar ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here