14 ka mid ah ismaamullada dalka oo laga diiwaangeliyay kiisaska covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in kiisaska cudurka covid-19 ee uu sababo caabuqa coronavirus ilaa iyo hadda lagu arkay 14 ka mid ah 47-da ismaamul ee wadanku uu ka kooban yahay.
Tirada guud ee kiisaska la diiwaangeliyay ayaa hadda ah 374 kaddib markii ay 11 dheeraad ah ku kordheen.
Ismaamulka Homabay waxaa laga diiwaangeliyay hal kiis ,Kajiado ( 3),Kakamega(1),Kiambu(5),Kilifi(9),Kitui(2),Kwale(1),Mandera(8),Mombasa(97),Nairobi ( 241),Nakuru(2),Siaya(2),Uasin Gishu(1)
11-ka kiis ee ugu dambeeyay 7 ka mid ah waxaa laga xaqiijiyay caasimadda dalka ee Nairobi halka 4-ta kalena laga diiwaangaliyay Mombasa.
10 qof oo dheeraad ayaa gudaha dalka kaga bogsaday cudurka waxayna tani tirada guud ka dhigaysaa 124.
Dhimashada ka dhalatay cudurka covid-19 gudaha dalka weli waxay tahay 14 halka ilaa iyo hadda caabuqa laga baaray 18,089 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here