14 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay gobolka xeebta

Shil ka dhacay waddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Mombasa iyo Malindi ee gobolka xeebta ayaa waxaa ku dhintay 14 qof.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta dadweynaha ay ku safraan ee loo yaqaano mataatuuda iyo gaari xamuul diday.
Taliyaha booliska ee gobolka xeebta Rashiid Yaaquub ayaa warbaahinta u xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay dhacdadan.
Dhimashada ayaa horay ahayd toddobo balse madaxa isbitaalka ismaamulka Kilifi Eddy Nzomo ayaa laga soo xigtay inay sii korortay oo ay gaartay 14.
Dadka shilka ku dhintay ayaa isugu jiro rakaab ah 6 rag , 6 haween , canug yar iyo darawalkii looriga kaxeynayay.
Waxaa uu shilka ka dhacay goobta loo yaqaano Shauri Moyo ee u dhow saldhigga booliska ee Kijipwa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here